Nin Si cajiib ah uga badbaaday Xukun Qisaas ah Oo lagu fulin rabay!

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada islaamiga ee Mudug ayaa ka laabatay xukun qisaas dil toogasho ah oo ay ku fulin rabtay qof gobolkaas ka geystay dil bareer ah.

Fagaare ku yaala degmada Xarardheere ee Mudug ayay dadka isugu yimaadeen, kadib markii lagu wargeliyay inuu dhici doono xukun xad ah, waxaase wax weliba isbedeleen ilbiriqsiyo gudahood.

Eedeysanaha ayaa ka hor inta aan lagu dhawaaqin xukunka, markii la keenay fagaaraha wuxuu labo rakcadood oo sunno ah ku tugtay fagaaraha, taasi oo dhalisay in dadkii qofka horey looga dilay ay ka laabtaan dalabkoodii ahaa in loo dilo.

Maxaakiimta Islaamiga ee ka dhisan wilaayaadka islaamiga ayaa fuliya xukuno sharci ah oo kala duwan, waxaana mararka qaar dhaca qisooyin la yaab leh oo ay kamid tahay midan maanta ka dhacay Mudug.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.