Qarax ka dhacay Isogyska Cali Kamiin ee Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax xoogan uu ka dhacay isogyska Cali kamiin ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo katirsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ciidamo ah oo gelbinayay masuuliyiin katirsan Dowladda federaalka oo uu ku jiro Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha Dowladda federaalka.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxan hadana xilliga uu dhacayay waxaa goobta ku sugnaa ciidamo aad u badan oo isuga jira Soomaali iyo kuwa Shisheeyaha.

Dad ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay waxay soo sheegeen in qaraxa uu ahaa mid jugtiisa si weyn loo maqlayay, ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyahana ay rasaas kor u rideen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.