Qaraxyo Khasaare dhaliyay Oo lagu weeraray Saldhig Bankrafta ku leeyihiin Wallaweyn.

Wararka naga soo gaaraya degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay saldhig ciidamada Bankrafta ee uu Maraykanku tababaray ku leeyihiin degmadaas.

Qaraxyada oo gaarayay illaa labo qarax ayaa ahaa kuwa jugtooda si weyn looga maqlay Wallaweyn, waxayna dhaliyeen khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada lagu weeraray.

Inta haatan la xaqiijiyay 3 askari oo katirsan ciidamada Bankrafta ee u shaqeeya Maraykanka ayaa halkaas ku dhintay,waxaana waxyeello xoogan gaartay labo gaari oo noocyada gaashaman ah.

Askarta Bankrafta oo ah kuwa si gaar ah uu Maraykanku u tababaray ayaa la kulmaya weeraro qorsheysan oo ay la beegsaneyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Shabelellaha hoosena waa meelaha ugu badan ee lagu beegsado askartaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.