Qof Shacab ah Oo Dhuusamareeb Lagu dilay.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in askari katirsan ciidamada maamulka Galmudug uu qof shacab ah ku dilay gudaha magaaladaas.

Askariga dilka geystay iyo qofka shacabka ah ee la dilay ayaa ku murmey lacag baad ah oo laga rabay qofka shacabka ah.

Muranka kadib askariga ayaa rasaas ku furay qofka shacabka ah, taasoo keentay in durba uu halkaas ku quur baxo.

Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, halka qofkii shacabka ahaa meydkiisa ay qaateen ehelladiisa.

Dilalka noocaan ah ee ay askarta dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada geysanayaan ayaa ah kuwa joogto ah, waxaana inta badan sababa askarta oo lacago baad ah u dila dadka shacabka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.