Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Oo Muqdisho lagu dilay.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay howlgallo qorsheysan oo lagu beegsadya xubno muhiim u ah dowladda federaalka.

Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid rag hubeysan ayaa ku toogtay masuul katirsan garsoorka dowladda federaalka.

Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Cabdi Raxmaan Xaaji Cali, waxaana horey looga sii qaatay gaari nooca raaxada ah oo uu watay.

Sidoo kale degmada Dharkeenlay ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay sarkaal laba xidigle ah oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Sarkaalka la toogtay waxaa magaciisa lagu soo koobay Jilibey, waxaana dilay rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dilalkan dhacay waxaa dhamaan masuuliyadooda sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxayna noqonayaan dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdusho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.