Sarkaal Ciidan Oo lagu dhex dilay magaalada Baydhabo.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in xalay magaaladaas uu ka dhacay dil qorsheysan oo loo geystay sarkaal sare oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa geystay dilka sarkaalkan,, waxaana markaas kadib ay goobta uga dhaqaaqeen si nabad geliyo ah.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Aadan Boorow, waana sarkaal caan ah oo katirsan saraakiisha ugu sareysa ciidanka maamulka Koonfur galbeed.

Raga dilka geystay waxay sidoo kale sarkaalka ka qaateen qori AK ah oo uu ku hubeysnaa, waxaana goor dambe meydak sarkaalka qaaday ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkan, waxaana Baydhabo ay kamid tahay meelaha ay xooga ku joogaan ciidamada Itoobiya, iyadoona ay ka dhacaan weeraro ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.