Sarkaal iyo Istaafkiisa Oo Muqdisho Lagu Toogtay.

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal iyo istaafkiisa oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaalkan iyo istaafkiisa, waxayna horey uga sii qaateen qori uu watay.

Dilka sarkaalkan wuxuu kusoo aaday iyadoo maanta dil kan lamid ah isla degmada Kaaraan loogu geystay sarkaal katirsan ciidamada Booliiska qeybta Canshuuraha.

Muqdisho waxaa joogta ka ah howlgallada gaarka ah ee ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo si joogta ah u beegsanaya askarta, saraakiisha iyo xubnaha Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.