Sarkaal lagu dilay Muqdisho iyo Al-Shabaab Oo sheegtay Masuuliyadda.

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay sarkaal katirsanaa Dowladda federaalka oo maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay Kaaraan ku dileen sarkaal katirsan ciidamada Booliiska gaar ahaan kuwa Canshuuraha qaada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii fuliyay weerarkaan ay sarkaalka ka furteen qori AK ah iyo booshkiisa oo uu ku hubaysnaa.

Ciidamo katirsan Dowladda federaalka ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo qaatay meydka sarkaalkaka la dilay.

Masuuliyadda weerarkaan lagu dilay sargaalkaan ka tirsanaa dowladda federaalka waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Muqdisho waxaa joogta ka ah weerarada qorsheysan ee ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lala beegsado saraakiisha, Askarta, iyo xubanaha kale ee ushaqeeya Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.