Sarkaal Lagu dilay Muqdisho iyo Weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhacay howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday saraakiil katirsan ciidamada Dowladda federaalka iyo askarta qudhooda.

Weeraradan oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose, ayaa kan ka dhacay Muqdisho waxaa lagu beegsaday sarkaal katirsan waaxda Canshuuraha ee dowladda federaalka.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Bariise, waxaana lagu dilay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Karaan ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa geystay dilka, waxayna goobta uga tageen si nabadgeliyo ah.

Dhanka kale, gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay weerar kamiin ah oo aad u culus, kaas oo loo dhigay kolonyo mootooyin ah oo  ay wateen ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa kamiinka u dhigay askartan oo marayay duleedka deegaanka Nambar lixdan, waxaana kamiinku ahaa mid culus.

Askar katirsan Dowladda federaalka ayaa goobta lagu dilay, waxayna ka carareen meydka hal askari, iyo saddex mooto oo kamid ahaa kolonyadii mootooyinka.

Askarta Dowladda federaalka ayaa billaabay iney ku safraan mootooyin, kadib markii ay awoodi waayeen iney gawaarida dagaalka adeegsadaan, sababo ku aadan qaraxyada iyo weerarada uga imaanaya ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa u muuqanaya kuwa godkay galaanba uga sii dabagalaya askarta Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.