Shisheeyaha iyo Ciidamada DF oo lagu weeraray Buulamareer, Jannaale iyo Balcad.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan waxay ku qaadeen difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa askarta dowladda federaalka ay ku leeyihiin magaalada Buulamareer iyo Jannaale oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyo degmada Balcad iyo Shabeellaha Dhexe.

Jannaale, waxaa lagu weeraray ciidamada Dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya duulaanka ay kusoo qaadeen halkaas, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiro waxyeello kala duwan oo gaartay askarta DF, inta la xaqiijiyeyna waxaa lagu dhaawacay labo askari.

Buula Mareer, waxaa si saf mar ah loo weeraray difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka, waxaana lagu soo waramayaa inuu jiro waxyeello gaartay dhinacyada halkaas lagu weeraray.

Sidoo kale, guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay madaafiic culus ku garaaceen saldhiga ciidamada Shisheeyaha Burundi ee degmada Balacad. Dhowr madfac ayaa ku dhacday xerada Shisheeyaha waxaana lasoo warinayaa khasaare.

Weerarada ay la kulmayaan Shisheeyaha waa kuwa joogta ah, waxaana umadda Soomaaliyeed ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku tilmaamaan iney tahay awood xurnimo doon ah oo difaaceysa madax banaanida dalkan ay kusoo duuleen Shisheeye kala duwan oo Xabashi iyo Maraykan horboodayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.