Sii deyntii Silvia Romano iyo dilkii George Floyd, maxay soomaalidu ka baran karaan!

Dawladaha inta ugu badan waxa lagu qiimeeyaa waxa ka jira dhulka ay maamulaan, Saameyn aad u yar bay yeelan kartaa qiimeynta dibeddu marka gudaha la barbar dhigo tusaale ahaan:-

Wararka dibedda laga keenaa ama ka baxsan waddanka waxaa jira xafiiltan ka dhexeeya dawladaha oo nin waliba qaabka uu jecelyahay u fasiran karo, Haddaba maanta waxa aynu rabnaa in aan ka hadalno labo dhacdo oo si weyn caalamka looga dareemay midi waxa ay ka dhacday soomaaliya, dhulka xarakada alshabaab ka taliso, midda labaadna Mareykan.

Qisada hore waa qaabkii loo soo qabtay Silvia Romano oo ah gabadh caddaan ah iyo sidii loola dhaqmay, Silvia waxaa lagasoo qabtay gudaha waddanka Kenya, muddo 18 bilood ama ku dhawaad labo sano ah waxa lagu hayey soomaaliya.

Gabadhan oo da’deedu tahay 25 sana jir ayaa u shaqayn jirtay sida la sheegay hayad samo fal oo lagu sheegay Milele Onlus, Gabadhani waxa ay sheegtay in raggii afduubtay haba yaraatee aanay u soo dhawaan jirin jidhkeeda oo ay qaab fiican ula dhaqmi jireen, waxaana lagu xidhay qol yar Kadib waxa ay dalbatay in buugaag loo keeno kolkaas ayaa loo keenay sida la sheegay kutubka qur’aanka ah.

Markii ay akhrideyna waxa ay ku qanacdey in ay islaamka qaadato. Iyada oo xijaaban ayaaney ka degtay waddanka talyaaniga oo ah halka ay ka soo jeeddo. Halkaa waxa aynu kaga gudubney faahfaahin gaaban oo ku saabsan Silvia Romano oo la baxdey Caa’isha Romano.

Haddaba bal aynu u nimaadno George Floyd oo ahaa nin mareykan ah oo madow, da’diisa waxa lagu sheegay 46jir. George waxa jilib ku diley askari mareykan ah oo caddaan ah. Weliba isagoo laga duubayo muuqaal. Waxa layaabka leh waxa ay ahayd iyada oo askarta la socotey haba yaraatee aaney wax diirnax ah u muujin George Floyd oo ku qaylinayey “Naqaskaa i haya, ama ma neefsan karo” sidaasna ku qudhbaxay isagoo jilib luqunta lagaga hayo. Haddaba mareykanka oo dadka looga dhigo meel sharciyaddu wax walba ka sarreyso ama bina aadamnimo(Humanity) waxa loogu yeedhaa ay ka jirto waa meesha noocaas ah. Waa meesha cunsuriyadda iyo arxan darrada intaas leegi taallo.

Dhinaca soomaalida muddooyinkii ugu dambeeyay waxa dhacayey duqaymo isdaba joog ahaa oo diyaaradaha mareykanku ku gumaadayeen shacabka soomaaliyeed isla markaana ganacsato caan ahaa lala beegsadey.

Waxa aan isku dayey waa maxay sababta maato la xasuuqey looga aamusaa oo haddana loo buun buuniyaa weerrarada wadaadada iyagoo la gaadhsiiyey heer aan la suureyn karin.Waxa la yidhi waagii gumeystuhu waddanka wada qabsadey ayaa laba nin oo macallimiin ahi isa soo raaceen.

Waxa ay ku soo baxeen kolonyo kamid ah ciidankii gumeystaha ee ingiriis. Labada macalin mid baa waxa uu watey waran, kolkaas ayaa saraakiishii gumeystaha mid kamid ahi intuu soo dagey ku qeyliyey oo warankii ka qaadey.

Naxdintii ayaa labadii macalin kiiaan waxba sidani yidhi “Mwesa” oo ah afsawaaxili, noqnaysana “Tuug”,  ilaaladii gaalada oo kiiniyaan ahaa ayaa intey soo dageen yidhi “Mwesa?” ma tuug. Naxdintii ayaa uu haddana yidhi “Ndiyo” oo ah “Haa” Markii ninkii la qabtey ayuu saaxiibkii ku yidhi: Waar saaxiib gaalada igala hadal. Isna waxa uu yidhi saaxiibow laba erey baan ka aqaanney af sawaaxiliga, labadiina waa kuwa aan kugu xidhay ee wax aan kugu soo daayo ma garanayo.
Imika saxaafaddeenu iyo siyaasiyiinteennu ma laba erey oo Argagixiso iyo Alshabaab layidhaa bay afkaba ka barteen. Maxaa loo arki waayey iyagoo ka hadlaya maatada sida arxan darroda ah loo gumaadayo?!. Sowtii hore loo arki jirey siyaasiyiin damiir leh oo ka damqada dadkooda!

 

W/Q: Mubaarak Wardheere.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.