Weerar ka dhacay duleedka Balcad Oo Hub lagu soo furtay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Hir Shabeelle ee uu hogaamiyo Waare.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Mareerey ee duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dagaalku ahaa mid culus.

Warar la helayo oo xaqiiqo ah waxay sheegayaan in labo qori iyo saanado kala duwan lagu soo furtay weerarkan, iyadoona uu in muda ah socday.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si joogta ah u weerara fariismiyaasha ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay kaga suganyihiin Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.