Al-Shabaab Oo ka tacsiyeeyay Dilkii Sheekh Abil Qassaam Al-Urduni.(Bayaan)

Bayaankan oo ku qornaa luuqadda Carabiga, kana soo baxay hogaanka saree e Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana baahisay mu’assasada warbaahineed ee Al-Kataa’ib ayaa guud ahaan umadda muslimka ah waxaa looga tacsiyeeyey dilkii uu dhawaan Maraykanka dhulka barakeysan ee Shaam ugu geystay hogaamiye Sheekh Abil Qassaam Al-Urduni oo ahaa ku xigeenka amiirka jamaacada Xurraasu-diin.

Kadib Furfurasho iyo soo gudbinta Nusuus sharci ah oo ka hadleysa fadliga ay leeyihiin dadka lagu dilo jidka Allaah, wuxuu bayaanku ku billowday sidatan:-

“ Iyadoo Jihaadka barakeysan ee Shaam uu marayo kudhawaad toban sano,  ayuu miraha geedka Shahaadada kasoo dhashey fagaarayaasha wacdaraha iyo Ribaadka, kolonyada Muhaajiriinta iyo Ansaartuna waxay sii wadaan in naftooda iyo noloshoodaba ku bixiyaan jidka Allaah iyo sare yeelida kalimadda Allaah” ayaa lagu yiri bayaanka tacsida ah ee kasoo baxay hogaanka saree e Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wuxuu intaa sii raaciyay “ iyagoo ku hor gudban xamlo caalami oo Saliibi ah, oo lagu doonayo in lagu tirtiro hawiyada islaamiga ee Muslimiinta, laguna beero miraha Dimuqraadiyadda iyo Ilxaadka, ayay Mujaahidiintu yihiin kuwa dhabar adeegaya, islamarkaana ku hubeysan Sabarka, Yaqiinta iyo Caqiidada sugan, iyagoo naf iyo wixii qaali ahba ku bixinaya dafcinta cadowga horarka ah” ayaa lagu yiri bayaankan looga tacsiyeeyey istish-haadka Ash-Sheykh Abil Qassaam Al-Urduni oo ahaa ku xigeenkii amiirka jamaacada Xurraasu-diin ee Shaam.

Taariikhda iyo siirada uu lahaa hogaamiyahan ayaa lagu soo hadal qaaday bayaankan kasoo baxay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana lagu yiri:-

“ Muhaajiriinta dhiigooda daahirka ah ku waraabiyay dhulka barakeysan ee Shaam, islamarkaana diiday in dullinnimo ay siistaan diintooda waxaa kamid ahaa sheekha fadliga badan ee Abil Qassaam Al-Urduni Khaalid Al-Caaruuri raximahullaah oo ahaa ku xigeenkii amiirka Jamaacada Xurraasu-diin.

Mujaahidkaas halyeyga ahaa oo uu u qiray qof weliba oo si dhow ula dersay sabar, geesinnimo iyo ballan oofin wuxuu kasoo baxay madarasada jiilkii koowaad, isagoo ku barbaaray dhaqannadii ay lahaayeen raggii waaweynaa ee ay kamid ahaayeen Amiirul Mu’miniin Al-Mullaa Muxamad Cumar, shahiidul Islaam Sheekh Usaama bin Laadin iyo amiirkii Istish-haadiyiinta Ash-Sheykh Abii Muscab Az-Zarqaawi, dhamaantooda Alle ha u naxriiste” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, mar la tilmaamayay shakhsiyadda hogaamiye Sheekh Abil Qassaam Al-Urduni.

“ Inagoo gudaneyna micnaha halka jasad, gudaneynana xaqqa walaaltinimada islaamiga, islamarkaana raggii saabiqada lahaa u ballan oofineyna, waxaan guud ahaan walaalaheena mujaahidiinta ee jooga Shaam, gaar ahaan jamaacada Xurraasu-diin iyo ehelka Sheekh Abil Qassaam uga tacsiyeyneynaa weysmada xabiibkooda iyo istish-haadka hogaamiyahooda, Allaahna waxaan u waydiineynaa inuu adkeeyo qalbigooda, sabarsiiyo, kana ajar siiyo musiibadooda oo uu ugu bedelo mid ka kheyr badan.

Dilka uu Maraykanka Shaam ugu geystay Sheekh Abil Qassaam iyo Mujaahidiinta kale, waxay cadeyn muuqata u tahay halka uu gaarsiisanyahay xiqdiga saliibiga ee caalamiga ah, iyo colaada ay u hayaan kooxda jihaadeysa, waxay kaloo cadeyneysaa in Maraykanku aanu kala sooceynin urur iyo urur kale, iyo muslim iyo muslim kale, intaba uu ururkaas ama muslimkaas ku baaqaya Towxiidka una sacyinayo isku xukunka Sharciga Allaah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka saree e Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qeybaha dambe ee bayaanka wuxuu hogaanka saree e Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab farriimo iyo dardaaranno muhiim ah u diray Mujaahidiinta ka dagaallameysa dhulka Shaam, iyadoo loogu baaqay iney Allaah uga cabsadaan Jihaadka iyo Mujaahidiinta.

“ Waxaan ugu baaqeynaa walaalaha Mujaahidiinta iyo kuwa aan jecelnahay ee jooga Shaamta barakeysan iney Allaah uga cabsadaan naftooda iyo umadooda, iskuna kaashadaan samafalka iyo Alle ka cabsiga, jidka looga bixi karo iyo wadada ugu wanaagsan ee lagu sara yeeli karo kalimadda Allaah, looguna hiilin karo diinkiisa, islamarkaana looga guuleysan karo cadowga, waa in lagu dhegnaada kitaabka iyo sunnaha, laguna wajaho xamlada kufriga caalamiga ah midnimada uu Allaah jecelyahay.

Barakada wadajirka iyo isu soo dumida waa arin lagu arkay taariikhda Umadda iyo Jihaadka mucaasirka, markii ay Mujaahidiintu ahaayeen hal saf oo is jecel, isku gurmada oo is heysta waxaa u hogaansamay aduunyada iyo dadka, barakada Allena ayaana ku dul hoobatay, Allaahna wuxuu u furay quluubta, qubuul ayuuna u dhex geliyay umadda, markii ay is khilaafeen oo ay kala tageenna waxaa dafiicay awoodooda, waxaana lumey heybadooda, cadowgana wuu kusoo dhiiraday, dhamaan arimahaasna waxaa dhibaatooyinka ka dhasha kala taga uu Allaah inooga digay”. Ayaa lagu yiri bayaakan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee looga tacsiyeeyay istish-haadka Sheekh Abil Qassaam Al-Urduni.

Horaantii bishii Dulqacada ee aynu soo dhaafney ayay ahayd markii jamaacada Xurraasu-diin ee ka dagaalanta Shaam ay xaqiijisay in hogaamiye Abil-Qassaam Al-Urduni uu Maraykanka ku dilay duqeyn uu ka geystay bartamaha magaalada Idlib ee wuqooyiga Suuriya, waxaana hogaamiyahan uu ahaa rug cadaayaasha Jihaadiga ah ee kasoo baxay madarasada Jihaadka ee Afqaanistaan, soona maray xabsiyada dowladda Iiraan, xilligii uu Sheekh Abii Muscab Az-Zarqaawi noolaana wuxuu kamid ahaa mujaahidiintii ku sugnaa wadanka Ciraaq.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.