Al-Shabaab Oo sheegtay masuuliyadda Dil ka dhacay Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay dil qorsheysan oo loo geystay xubin sare oo katirsan laamaha waxa loogu yeero dembi baarista ee Dowladda federaalka.

Col Mukhtaar Cali oo tobankii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayay laanta CID-da ee dowladda federaalka ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku dhex dileen gudaha magaalada Baydhabo.

Dilka kadib waxay ragga howsha fuliyay isaga tageen goobta, iyadoo goordmabe meydka sarkaalka ay qaadeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku sheegatay masuuliyadda howlgalka lagu khaarijiyay Col Mukhtaar Cali o ahaa sarkaal sare oo katirsan waaxda CID-da ee dowladda federaalka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.