Sawirro: Beesha Geeledle oo Qabaa’ilka Jaarkeeda Ah Kula Tartamaysa Cilmiga Sharciga.

Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wilaayaadka islaamiga ah waa kuwa ku loolamaya culuumta sharciga ah halka markii hore ay ku baratami jireen dagaalada ahliga ah.

Beesha Geeledle waxay kamid tahay qabaa’il dhistay macaahid u gaar ah oo ay ubadkooda ku bartaa culuumta sharciga ah.

Kani waa machad ay beeshu ku leedahay degmada Saakow ee wilaayada Jubbooyinka kaasoo hadda ku dhow marxaladdiisii u dambeysay oo ay ardaydu ku qalin jebin lahaayeen.

Dhawaan munaasabad loo qabtay ayaa waxay ahayd mid bandhiga ah oo lagu muujinayay heerka wax barasho ee ardayda iyadoo ay kasoo qeyb galeen Culimo iyo Odayaal dhaqameedyo.

Bandhigga kadib waxaa ardayda la siiyay abaalmarinoo lagu dhiira galinayo.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.