DEG-DEG: Xillibaan katirsan maamulka Hir Shabeelle Oo la dilay.

Waxaa goordhow gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay xillibaan katirsan maamulka Hir Shabeelle, kaas oo ku scodaalayay wadada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jidka u galay xillibaan Maxamad Maxmuud Xuurshe oo katirsnaa xillibaanada maamulka Hir Shabeelle, xilli uu marayay inta u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.

Xillibaanka wuxuu kasoo tagay Jowhar, isagoo kusii jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana dhaq-dhaqaaqiisa ka war heley ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar waxaa marar badan ka dhacay howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab ku khaarijiyeen masuuliyiin kala duwan oo katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Sawirka Xillibaan Maxamad Maxmuud Xuurshe- Xigasho: baraha bulshada

 

 

You might also like
1 Comment
  1. Abuufatima says

    Nin madiidin gaaliyo
    Ey muufo raadisa
    Midna kama bad baadan
    Miino uu shabaab suray
    Moolka loogu aasiyo
    Cimil maalin loo galay
    Mushrik diintacadawgioya
    Miladiyo shareecacda
    Mawd kiis ninuu gala
    Ka madow masaladuyo
    Waa muhandis baadiye

Leave A Reply

Your email address will not be published.