Diyaarad Ay Kenya Leedahay oo Kusoo Dhacday Baardheere.

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaarad rakaab ah oo ay leedahay dowladda Kenya ay maalintii shalay kusoo dhacday garoonka diyaaradaha ee degmadaas.

Inkastoo aan la sheegin sababta rasmi ah, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in ay rasaas ku rideen ciidamada Itoobiya halka ilo kale ay sheegayaan inuu taayar ka qarxay.

Nooca diyaaraddan ayaa ahaa rakaab nooca xamuulkaba qaada ah ee loo yaqaano Fokker 50 islamarkaana ka diiwaangashan 5Y-WFC.

Dowladda Kenya illaa iyo hadda ma sheegin cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay.

Bishii May ee lasoo dhaafay, ciidamada Kenya ayaa degmada Bardaale ee gobolka Gedo kusoo riday diyaarad rakaab ah oo ay leedahay Kenya halkaasoo ay ku dhinteen 6 qof oo ay Soomaali kamid ahaayeen.

Itoobiya iyo Kenya oo qabsaday bariga qaar kamid ah gobolada Soomaaliya ayaa haatan u muuda kuwa ku tartamaya hawada Soomaaliya.

Diyaarado ay leeyihiin labada dowladood ayaa ka hawl gala Soomaliya, dowlad walbana ma ogola in tan kale la wadaagto hawada degmooyinka iyo magaalooyinka ay qabsatay xataa haddii ay DF u fasaxdo.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.