Diyaarad Xamuul iyo Rakaab ah Oo ku dhacday Baardheere.

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in diyaarad nooca rakaabka iyo xamuulkaba ah ay ku dhacday garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Diyaaradda soo dhacday oo ay leedahay dowladda Kenya, ayaa warar la helayo waxay tilmaamayaan inu qaraxy mid kamid ah taayeeradeeda, kadibna ay sidaas ugu soo dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere.

Majiro wax khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashey diyaaradan ku dhacday Baardheere, waxaana jirin tuhun ah in ciidamada Itoobiyaanka ay ka dambeeyaan soo dhicista diyaaradan.

Bishii May ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya diyaarad ay leedahay dowladda  Kenya kusoo riday garoonka diyaaradaha ee degmada Baardaale, halkaas oo ay ku dhinteen dadkii saarnaa diyaaradda.

Maalmo kadib diyaaradda Itoobiyaanka kusoo rideen Bardaale waxay mid kale kusoo rideen degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Dadka u dhuun daloola arimaha siyaasadda Soomaaliya waxay tilmaamayaan in dowladda Itoobiya ay kasoo horjeedo in dowladda Kenya ay Soomaaliya keento qaad, halka ay dooneyso in qaadka laga keeno dalkeeda Itoobiya.

Itoobiya waxy aaminsantahay iney iyadu tahay dowaladda rasmiga ah ee ka jirta Soomaaliya, lana gudboontahay dowladaha kale ee caalamka iney soo wargeliyaan dowladda Itoobiya marka ay leeyihiin dano ku aadan wadankan Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.