Faafaahin laga helayo Qarixii maanta ka dhacay Muqdisho.


Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa waxaa soo gaaraya xogo rasmi ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashey qarixii maanta ka dhacay nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xarun ciidan oo ay ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho.

Khasaaraha ka dhashey qaraxa inta haatan la ogyahay waa dhimashada 2 askari iyo dhaawaca 8 kale, kuwaas oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda howlgalka qarax ah ee maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.