Farmaajo: Dilkii Yariisow Sanad ayuu dib inoo dhigay.(Dhagayso)

Farmaajo oo marxabeynaya Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha dowladda federaalka oo hadal ka jeedinayay xarunta heesaha ee Tiyaatarka ayaa shaaca ka qaaday in dilkii gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng Yariisow xarunta dowladda hoose ugu geysatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu dowladiisa saameyn ku yeeshey.

Farmaajo ayaa si cad u sheegay in dilka ninkaas uu saameeyay howlihii dowladiisa, islamarkaana uu sanad dib u dhigay howlo badan oo ay dowladda federaalka ku howlaneyd.

Howlgalka lagu dilay Eng Yariisow wuxuu ahaa mid aad u qorsheysan oo ka dhacay xarunta dowladda hoose xilli halkaas ku kulansanaayeen dhamaan masuuliyiinta gobolka Banaadir, waxaana goobta xaadir ahaa ergeyga qaramada Midoobay ee Muqdisho James Swan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in hadafka lagu beegsanayay howlgalkaas uu ahaa James Swan, balse uu si dirqi ah kaga badbaaday.

Halkan ka dhagayso hadalka Farmaajo ee uu kaga hadlay dilkii Eng Yiriisow.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.