Gabar uu Adeer u yahay Trump oo ceebeysay Madaxweynaha Maraykanka.

Donald Trump; madaxweynaha Maraykanka.

Marry Trump oo ah haweeney uu adeer u yahay Donald Trump, islamarkaana uu dhalay nin la dhashey Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday adeerkeeda oo ah madaxweynaha wadanka Maraykanka.

Haweeneydan ayaa buug ay ka qortay Trump, soona bixi doona maalmaha soo socda waxay ku tilmaamtay Trump inuu burburinayo dalka Maraykanka, islamarkaana uu yahay nin horaantiisaba aan lahayn sumcad wanaagsan.

Waxay sheegtay iney xusuusato in xitaa aanu ku wanaagsaneyn waxbarashada, oo imtixaanaatka Jaamacadda uu isdaba marin sameyn jiray, isagoo bedelkiisa qof kale u dirsan jiray imtixaanka, si uu ugu galo, oo uu isagu dhigo shakhsiyadda Donald Trump.

Waxay sheegtay inuu yahay qof aan la dhaqmi karin bulshada, islamarkaana xanaaq badan, jecelna in awood iyo kibir uu wax ku maamulo.

Shabakadda CNN oo heshey qeybo kamid ah buuga la filayo in maalmaha soo socda la baahiyo ayaa shaacisay in buuga ay ku qoranyihiin xogo xasaasi ah oo ay ka marqaati kacayaan qaar kamid ah xubnaha qoyskiisa.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray buugaag dhowr ah oo siyaasiyiin, madax hore, wariyaal iyo shakhsiyaad caadi ahba ka qoreen Donald Trump, iyagoo ka siman dhaleeceynta Trump oo ay ku tilmaameen inuu yahay qof jaahil ah, Maraykankana dumin raba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.