Hogaanka Al-Shabaab oo Ummadda Soomaaliyeed U Diray Hambalyada Ciida Kana Hadlay Arrimo Muhim Ah.

Sheekh Cali Dheere; Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Munaasabadda Ciiduladxa aawgeed, wuxuu hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan Ee Ciidul Adxaa.

Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa jeediyay hadal dhinacyo kala duwan taabanaya oo ku socda ummada muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Wuxuu shacabka muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan udirtay hambalyo ku saabsan maalmaha barakaysan isagoo u rajeeyay iney gaaraan horumar Allana uu ka saaro dhibaatooyinka.

Haddaba Sheekha ayaa kalimaddiisa kusoo hadal qaaday khilaafka udhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka ee sababay in la eryo Xasan Cali Kheyre oo ahaa R/wasaare.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay jabeen ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay islamarkaana mujaahidiintu shareecada islaamka ku maamulayaan dhul ballaaran oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Halkan Ka Degso Kalimadda Shekh Cali Dhere Kalimada Cidul Adxa 1441

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.