Iiraan Oo Caruurta Muslimiinta Suuriya ku tarbiyeyneysa Aflagaadada Saxaabada.

Hogaamiyaha ugu sareeya Shiicada Iiraan iyo Bashaar Al-Asad

Wadanka Suuriya oo sagal sano oo xiriir ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad iyo dowladaha Ruushka iyo Iiraan ayaa meelo badan oo kamid ah waxaa maamula malleeshiyaad shiico ah, kuwaas oo dhibaatooyin ba’an ku haya dadka Muslimiinta ah.

Gobolka Dayru zuur waa mid kamid ah gobollada dhaca bariga Suuriya, waxaa deegaanno badan oo kamid ah gacanta ku haya nidaamka Nuseyriyada, iyadoona ay ku suganyihiin malleeshiyaad aad u badan oo shiico ah, kuwaas oo ka amar qaata dowladda Iiraan.

Dowladda Iiraan ayaa marka laga soo tago dagaalka ay ku taageereyso nidaamka Al-Asad, waxay dhanka kale wadaa olole halis badan, kaas oo beegsanayo qeybaha kala duwan ee bulshada Ahlu sunnaha, gaar ahaan caruurta da’da yar.

Iskuullo lagu barto madhabka shiicanimada ayay dowladda Iiraan ka hirgelisay gobolka Dayru zuur iyo meelo kale, halkaas oo caruurta muslimiinta lau baro madhabka shiicada, si marka ay weynaadaan u noqdaan dad shiico ah.

Muuqaal lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya caruur da’ yar oo wax ku barta mid kamid ah iskuullada dowladda Iiraan ay ka hirgelisay gobolka Dayruzuur, kuwaas oo lacnadaya saxaabiyaatka Cumar binul Khadhaab, Abuu bakar As-Sadiiq iyo xaska nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam ee Caa’ish a Radiyallahu canhu.

Arintn waxaa dhaleeceyeey culimo badan oo ku sugan Suuriya, kuwaas oo ku baaqay in dadka muslimiinta ay ka taxadaraan in caruurtooda ay geeyeen madaarista shiicada ay ka furteen dhulalka ay xooga ku joogaan.

Wadamo uu ku jiro wadankeena Soomaaliya ayay dowladda shiicada Iiraa galaan gal xoog leh ka wadaa, waxaana hadafkeeda rasmiga ah uu yaahy in dadka muslimiinta ay ka fogeyso diintooda saxan, una laqinto madhab shiicanimo oo ka hor imaanaya diinta ISLAAMKA.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.