Inkabadan 10 Kenyaati ah Oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerarkii Cabdalla Biroole.

Faahfaahin dheeraaad ayaa kasoo baxaysa weerar ay ciidamada xarakada mujaahidiinta al-shabaab ku daaqeen Ciidanka kenya ee heysta deegaanka Cabdalla Biroole oo katirsan Gobalka Jubada hoose.

Habeen hore ayay ahayd markii keenyaatiga haysta deegaankaas lagu qaaday weerar culus, Kaas oo lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Afar askari oo katirsan ciidanka Kenya ee ku sugnaa halkaas ayaa ku dhintay weerarka, halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka Kenya ee khasaaraha lagu gaarsiiyay weerarkaan ayaa waxaa usoo degtay diyaarad, taas oo daabushey meydadka askartii dhintay iyo kuwii dhaawacmay, waxaana arrinkaas laga dheehanayaa in keenyaatiga uusoo gaaray khasaare culus.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka soomaaliya ayaa lakulmaya weeraro xiriir ah, waxaana marar badan weeraro lagu qaaday fariisimaha ay kaga suganyihiin gobalka jubada hoose.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.