Kamiin Loo dhigay Ciidamo Sahay u siday Shisheeyaha jooga Jowhar.

Barqanimadii maanta, weerar xoogan oo kamiin ah ayaa ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka waxaa lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kamiinka oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday kolonyo katirsan ciidamada Dowladda federaalka, kuwaas oo kasoo baxay Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa kamiinka waxa uu qabsaday xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe, waxaana jira khasaare kala duwan.

Gaari booyad ah oo shidaal siday ayaa qarax xoogan uu haleeley, waxaana gebi ahaanba burburay booyadda.

Kamiinkan xoogan waxaa lagu  dilay sida ay xaqiijinayaan warar la helayo saddex askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ee sahayda u siday ciidamada Shisheeyaha Burundi ee saldhiga ku leh magaalada Jowhar.

Weerarkan kamiinka ah wuxuu kusoo aadayaa iyadoo maalintii shalay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar lagu dilay xillibaan katirsan maamulka Hir Shabeelle, kadib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.