Maraykanka Oo qirtay in Duqeyn Uu ku dilay Dad Shacab ah.

Ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM)

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ayaa lagu qirtay in ciidankooda ay fuliyeen duqeyn diyaaradeed oo ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah, taas oo ka dhacday gobollada Jubbooyinka.

Warbixintan oo uu ku saxiixanyahay taliyaha ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday Jilib 2 February ee sanadkan 2020 ay ku dileen qof shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

“Nasiib darro waxaan rumeysanahay in howlgaladeena uu ka dhashay dhimashada hal ruux oo rayid ah iyo saddex dhaawac ah kuwaas oo aan ahayn yoolka aan lahayn.”ayuu yiri taliyaha ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

Maraykanka ayaa dafira in dad shacab ah ay ku le’anayaan duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya, waxaana mar weliba uu laayo dad shacab ah uu ku andacooda inuu beegsaday dagaalyahanno katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale wuxuu Maraykanku si naadir ah ugu qirtay in duqeymo uu ka geystay Soomaaliya ay wax ku noqdeen dad shacab ah, waxaana qirashadaas ay timid kadib markii warbaahinta iyo hay’adaha sheegta iney u doodaan xuquuqda Aadanaha ay baahiyeen cadeymo muujinaya in dadka shacabka ah ay ku go’ayaan duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.