Nin u dhashey Uganda Oo Is gubay!

Dalka Ugada waxaa ka dhacay arin aad loo hadal hayo, kadib markii nin Yugaandhees ah uu dab isku daaray, isagoo ku sugan saldhig booliis.

Muwaadinkan Yugaandheeska ah ayaa tallaabadan ku kacay, kadib markii ay lacago laaluush ah waydiisteen saraakiil katirsan ciidamada booliiska Uganda oo gacanta ku hayay mooto uu ku xamaalan jiray ninka is gubay.

Dhacdadan oo ka dhacday saldhiga booliisa ee magaalada Masaaka oo 130 Km kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Kampla.

Mootada uu ninkan lahaa ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliiska, kadib markii ay ku eedayeen iney socotay xilliga bandowga ay dowladda Uganda usoo rogtay cudurka Corona awgiisa.

Xilliga mootada ay booliisku qabanayeen waxaa waday nin ay saaxiibo ahaayeen ninka is gubay oo lagu magacaabo Xuseen Walojimbi, waxaana markii dambe uu qaab dacwo ahaan ah u yimid saldhiga booliiska.

Saraakiishii uu kala hadlay arinta mootada ayaa ku amray inuu bixiyo lacago laaluus ah markaasna la siin doono mootadiisa, isku dayo badan oo uu sameeyeyna waa u ku guul dareystay in la siiyo mootada.

Afhayeen u hadlay booliisk Uganda ayaa shaaca ka qaaday in markii uu ka quustay in mootada la siiyo uu banziin isku shubay, kadibna uu dab isku daaray, wuxuuna isku dayay inuu ku dhego sarkaal booliis ah si ay iskula dhintaan, hase ahaate wuu ka baxsaday.

Arimaha la xiriira musuq maasuqa iyo lacagaha laaluushka ah ee ay saraakiisha booliiska weydiistaan dadka shacabka ah ayaa ah dhaqan caan ka ah wadamao badan oo ku yaala Africa, gaar ahaan Uganda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.