Qaraxyo khasaare dhaliyay Oo ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.

Ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa qarax xoogan waxaa lagula eegtay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, qaraxaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Gaari nooca gaashaman ah oo ay wateen ciidamada Shisheeyaha ayaa lagu burburiyay qarax xoogan oo ka dhacay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, waxaana goobta ku quur baxay askar katirsan Shisheeyaha.

Guud ahaan ciidamadii saarnaa gaariga gaashaman ee qaraxu haleelay ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Qaraxan Shisheeyaha lagula eegtay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, wuxuu kusoo aaday iyadoo gelinkii hore ee maanta qarax aad u xoogan lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo xarun ciidan ku lahaa nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho.

Qaraxaas waxaa ku dhintay labo askari halka ay ku dhaawacmeen  kale, waxaana si buuxda u sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhanka kale wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in qarax xoogan lagu weeraray bar ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed.

Afar askari oo katirsan  ciidamada maamulka Koonfur galbeed ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxan ka dhacay Baydhabo halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Baydhabo, waxay kamid tahay magaalooyinka ay xooga ku joogaan ciidamada xabashida Itoobiya, waxaana halkaas ka dhisan maamul si aad ah ugu dhow Xabashida, howlgallada ka dhan ah Itoobiyaanka iyo maamulka Koonfur galbeedna waa kuwa joogta ah halkaas.

Dhawaan ayay ahayd markii isla magaaladaas lagu toogtay xubin sare oo katirsanaa CID-da dowladda federaalka, kaas oo lagu magacaabayay Mukhtaar, toban sanana ka shaqeynayay howlahaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.