Qowmiyadda Oromada Oo ugu baaqday Dadka ku abtirsada iney isaga baxaan Xukuumadda Abey.

Kacdoonnada ka soconaya dalka Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana khasaaraha dhimashada uu ku dhowyahay 200 oo ruux.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka waxaa lagu arkayay dad Oromo ah oo gacanta ku dhigay ciidamo katirsan milliteriga Itoobiya, kuwaas oo inta ay dileen kadibna ka furtay hubkii ay wateen.

Waxaa sidoo kale dhalinyaro Oromo ah oo hor boodeysa kacdoonka shacbiga ah ee ka soconaya Itoobiya ay labo arin dooransiiyeen dadka kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ee katirsan xukuumadda Abey Axmed iney kasoo goostaan ama ay si toos ah ugu jiraan halkaas.

Hadalkan ayaa u muuqda mid hanjabaad ah, waxaana uu sii muujinayaa in xaaladda Itoobiya ay mareyso meel aan kasoo laabasho lahayn.

Halkan ka dhagayso Wararkii ugu dambeeyay kacdoonka Itoobiya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.