Weerar ka dhacay Kalaab ku yaala Maraykanka Oo Khasaare dhaliyay.

Wararka ka imaanaya gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in weerar xoogan lagu qaaday goob kalaab ah oo lagu caweeyo habeenkii, kaas oo ku yaala gobolkaas.

Nin hubeysan ayaa gudaha u galay kalaab ku yaala magaalad Greanville ee gobolka SouthCarolina, halkaas oo ay ku jireen ugu yaraan 200 ruux oo isuga jiray rag iyo dumar.

Iyadoo ay dadka ku mashquulsanyihiin tumashada iyo cabista khamriga ayaa mar qura waxaa la maqlay rasaas xoogan oo dheceysa, taas oo keentay in dadkii kalaabka ku sugnaa ay kala cararaan, qaarkoodna ay ka boodaan daaqadaha.

Ciidamo katirsan booliiska ayaa gaaray kalaabkan oo lagu magacaabo Lavish Lounge, hase ahaatee inta aaney goobta soo gaarin ayaa waxaa baxsaday fuliyaha weerarka, oo illaa iyo hadda baxsad ah.

Saraakiil u hadley booliiska ayaa xaqiijiyay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca 8 kale, kuwaas oo kamid ahaa dadkii ku caweynayay kalaabka, waxana booliisku ay intaa ku dareen iney weli ku daba joogaan fuliyaha weerarka oo xitaa shakhisyadiisa la aqoonsan.

Weerarada noocaan ah inta badan waxay joogta ka yihiin gobollada dalka Maraykanka, waxaana marka laga soo tago kuwa kaligii duulnimada ee ay fuliyaan dadka Muslimiinta ah, qaada weeraradan dad Ameerikaan ah oo ay nolosha ku xumaatay ama caro iyo xanaaq dad kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.