Weerar xoogan oo Kenyaatiga ku qabsaday NFD.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidan oo ciidamada Kenya ku leeyihiin dhulkaas.

Weerarka waxaa lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Faafi ee gobolka Gaarisa, waxaana ka dhashey khasaare xoogan.

Dagaal in muda ah socoday ayaa goobta ka dhacay, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay weerarka ku dileen tiro askar ah, halka ay ku dhaawaceen tiro kale.

Waxaa sidoo kale goobta lagu burburiyay saanado milliteri oo ay lahaayeen ciidamada Kenyaatiga.

Markii uu weerarka soo idlaaday waxaa goobta kusoo degay labo diyaaradood oo nooca hellecopters-ka ah, kuwaas oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada gaaray ciidamada Kenya.

NFD waa dhul soomaaliyeed oo gumeystihii Ingiriiska uu siiyay dowladda Kenya, waxaana umadda soomaaliyeed ee halkaas ku nool la kulmaan dhibaatooyin aan la suureysan karin.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhulka NFD kaga jirta dagaal ay ku dooneyso iney dhibaatada kaga dul qaado dadkaas soomaalid ah, sida marar badan ay sheegeen madaxda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.