Xaaladda Itoobiya Oo Faraha kasii baxeysa iyo Milliteriga oo la geeyay Caasimadda.

Waa siyaasi Oromo ah oo ay dileen Booliiska Itoobiya.

Boqollaal askari oo katirsan ciidamada milliteriga Itoobiya ayaa la geeyay xaafadaha magaalada Adis Ababa ee caasimadda wadankaas, kadib banaanbaxyo waaweyn oo maalintii saddexaad gilgilaya wadankaas.

Banaanbaxyada soconaya ayaa yimid kadib markii maalintii isniinta ciidamada ammaanka ee Itoobiya ay toogasho ku dileen siyaasi u dhashey qowmiyadda Oromada oo ahaa dadka sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda maamulka talada haya.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhex jiraan dad hubeysan, kuwaas oo tooganaya ciidamada booliiska, waxaana dhanka ciidanka ay iyaguna geysanayaan gabood fallo aan xadidneyn.

Banaanbaxyada maalintii sadexaad soconaya waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 ruux, halka dadka ku dhaawacmey ay aad u badanyihiin, waxaana ku jira dadka dhintey saraakiil katirsan ciidamada booliiska Itoobiya.

Dowladda ayaa xabsiyada u taxaabtay siyaasiyii afartmeeyo kor u dhaafaya, kuwaas oo ay ku eedeyneyso iney iyagu gadaal kasoo riixayaan banaanbaxyada, waxaana dhanka kale weli jaran isgaarsiinta internetka.

Lama oga xaaladda Itoobiya halka ay ku biya shuban doonto, waxaana muuqda dal kala tagay, kaas oo awalkiiba xoog iyo awood la isugu hayay, sidaas waxaa aaminsan Siyaasiyiin badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.