Dhegeyso: Xarakada Al-Shabaab oo Heshiis Kala Dhex Dhigtay Beelo Walaalo Ah oo Ku Dagaalamay Qeybo Kamid Ah Hiiraan & Bakool.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa heshiis kala dhex dhigtay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay degaano hoos taga Bakool iyo Hiiraan halkaasoo ay dad isaga dileen.

Laba wilaayo ee Hiiraan iyo Bay iyo Bakool oo ku baxay colaaddan ayaa marka hore ciidan kala dhex dhigay beelaha kadibna waxay isugu yeereen Salaadiintooda.

Muddo ka badan todobaad ayaa ayaa waxa uu shir ka soconayay degaanka Burdho kaasoo ugu dambeyntii laga soo saaray natiijooyin miro dhal ah.

Labada beel oo iska dilay afar qof ayaa loo kala xukumay sida ay shareecada islaamku qabto waxaana beel walba la siiyay muddo 3 bilood ah iyadoo la hakiyay isticmaalka beero iyo dhul la isku qabsaday inta iyagana laga gun gaarayo mudada 3da bilood ah.

Waaliga Bay iyo Bakool, Sheekh Cabdullaahi Mucallim Geedow iyo Waaliga Hiiraab Sh/Guuleed Abuu Nabhaan oo gunaanadkii shirka khudbado laga dhageystay ayaa laba beelood ugu baaqay iney dhaqan galiyaan heshiiska.

Ugaaska beesha Gaaljecel, Ugaas Xuseen Ugaas Cabadillahi iyo Ugaaska Beesha Geeladle, Ugaas Raage Macalin Bare iyo Nabadoono ka hadlay madasha ayaa dhankooda wacad ku maray in ay sey tahay uga soo baxayaan dhammaan qodobada ku qoran Bayaanka kasoo baxay shirka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay muhiimad siisaa sidii loo cirib tiri lahaa dagaalada qabaa’ilka loona joojin lahaa dhiigga macno darrada ku daadanaya iyagoo nasiib darro u arka in qabaa’ilku goofaf iyo dhul ku diriraan xilli qeybo badan oo kamid ah dalka uu shisheeye heysto.

Juhdigaas iyo dadaalkaas waxaa ka dhashay in wilaayaadka islaamiga ah ay aad ugu yaraadaan isku dhacyada qabaa’ilka marka loo barbardhigo goobaha ay ka taliyaan DF iyo Maamul Goboleedyada.

Halkaan ka dhegeyso qaybta koowad heshiiska gaal jecel iyo geeledle.

Halkaan ka dhegeyso qaybta labaad heshiiska Gaaljecel iyo geeledle.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.