Al-Kataa’ib Oo Filim Cusub kasoo saartay Dagaal lagu dilay 57 Askari Itoobiyaan ah.

Mu’asasada Al-kataa’ib, oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahiyay filimkii sida weyn loo sugayay maalmahan kadib markii ay horey ugu sii ballan qaaday.

Waa muuqaal mug weyn oo la daawan karo ku dhawaad muddo saacad ah kana sheekeynaya taariikhda uu soo maray dagaalka ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula jirto Xabashida tan iyo aas-aaskeedii, waxaana uu uu soo bandhigayaa dagaaladii Xamar, Idaale iyo kuwii ugu dambeeyey ee lagu gumaaday ciidamada Itoobiya ee kusoo duulay Soomaaliya.

Filimka oo ku baxay saddex luqadood oo kala ah Soomaali, Carabi iyo Engilish ayaa sidii inaad goob joog tahay oo kale kuu tusaya dagaallo kala duwan oo uu kamid yahay dhabbagal weyn oo cagta lagu mariyey kolonyo Itoobiyaan ah oo ka dhacay wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Beydhabo, taariikhdu markey ahayd 1440 ama 2019, kaas oo looga tallaabsaday meydadka in ka 57 Xabashi ah oo isugu jira saraakiil iyo askar.

Haddaba filimkan ayaa waxa uu xambaarsan yahay macluumaadyo badan isagoo sidoo kale soo bandhigaya dad dulmanayaal ah oo Xaabshida kala kulmay tacaddiyo.

Halkan ka dhagayso warbixin ku saabasan filimka juzka labaad ee Xalqada saddexaad ee Laa Marxaban Bihim

You might also like
1 Comment
  1. Abufatima says

    Shujaaciinta diintiyo ragaa sharaf ta soo hooyey
    Shahiid kooda Rabiyow janee
    Shaagay cadaawiyo marsheen gaal shishee yaahe
    Shaqiyada kufriga daba socdiyo shaarika ridoobay
    Ayagana shidiyo naar gubtiyo sheelo lagu hoojo
    Shuyuukhdii duqaadiyo kuwii shubaha beeraayey
    Sharaf toodu way dhimatayoo sheegis malahayne
    Shacbiguna kadiid been Haday shubi lahaa yeene
    Rabiyow shidiyo cudur diliyo balo ku sheekeyso

Leave A Reply

Your email address will not be published.