Al-Qaacidada Yemen Oo gacanta ku dhigtay Shabkad Basaas ah.

Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab ayaa ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen shabakad jawaasiis ah oo u shaqeyneysay sirdoonnada Maraykanka, Aala-Sucuud iyo Imaaraatka, kuwaas oo ka howgalayay wadanka Yemen.

Shabkadan waxaa si gaar ah looga soo qabtay magaalada As-Sowmaca ee gobolka Albeydaa bartamaha wadanka Yemen, waxaana ku jira dhakhaatiir ka kooban rag iyo dumar.

Shabkadan gacanta lagu dhigay ayaa howsheedu ahayd iney shariixooyin electrooniga ee la shaqeeya diyaaradaha Maraykanka u dhigaan xubnaha katirsan Al-Qaacida, tallaabooyinkaas oo ay ka dhasheen in Maraykanku dilo tiro dad ah.

Marka laga soo tago shaqada basaasnimada ah ee ay hayeen, waxaa u dheeraa in dadka adeegyada caafimaad u taga xarumaha ay jawaasiistaas lahaayeen ku qasbi jireen iney xumaan ku sameeyaan, kadibna ka duubaan, iyagoo ku cadaadinaya iney basaas noqdaan.

Horay sidan oo kale waxay Al-Qaacidada Jaziiratul Carab gacanta ugu dhigeen shabakado jawaasiis ah kuwaas oo kasoo muuqday taxane muuqaallo ah oo ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Al-Malaaxim.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.