Sawirro: Al-Shabaab oo La Wareegay Degaan Dhacay Duleedka Baydhabo.

Ciidamo katirsan Al-Shabaab oo cagta mariyay Saldhig ciidamada Amisom ku lahaayeen Jannaale-2015

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hubeysan uu ka dhacay degaan dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Milatari aad u qalabaysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar ku ekeeyay xero Meleteri oo ku taalla degaanka Daynuunaay oo u dhow Baydhabo.

Dagaal muddo socday kadib, waxaa Al-Shabaab u suura gashay iney la wareegaan guud ahaan degaanka iyo saldhiggaba.

Ciidanka maamulka Koofurgalbeed ayaa awoodi waayay iney sii wadaan dagaalka waxaana ay u firxadeen dhanka Baydhabo.

Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in weerarkan lagu dilay sarkaal ciidan oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Boorweyne iyo askar kale.

Sidoo kale ciidamo gurmad ah oo ka soo baxay magaalada Baydhabo si ay u caawiyaan kuwa laga qabsaday Daynuunaay ayaa waxaa iyagana loo dhigay 2 Kamiin waxaana laga gubay 2 gaari oo kala ah Cabdibile iyo gaari Ambalaas ah.

Kamiinka yaa waxaa lagu dilay 4 Askari oo uu ku jiro Sargaal kale oo lagu magacaabo Aadan Xasan Borow, waxaana la soo sheegayaa in dhaawacyo badan la geeyay cisbitaalada magaalada Baydhabo

Daynuunaay oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhaba ayay sidan oo kale muddo dhowr jeer ay weerareen Al-Shabaab iyagoo ku dilay saraakiil iyo askar kana soo furtay saanad milatari.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA SARKAALKA LA DILAY

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.