Al-Shabaab Oo Weeraray Saldhigyada Shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka ee Shabeellaha Hoose.

Habeenkii xalay, dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weeraro xoogan ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ay ku leeyihiin qaar kamid ah deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.

Meelaha ay Mujaahidiintu weerareen waxaa kamid ah degmada Baraawe, Buulamareer, Awdheegle iyo Bariire waxaana weeraadan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ahaayeen kuwa culus.

Inkastoo aan lasoo warin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka hadana waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare kala duwan oo dhabarka loo saariyay askarta la weeraray.

Shabeellaha Hoose goobaha ay ka joogaan ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka waxaa si joogta ah uga dhaca weeraro xoogan oo ay fuliyaan ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.