Ciidamada Al-Shabaab Oo Dagaal kula wareegay Baar Sanguuni.

Dagaal culus oo aroornimadii hore ee saaka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni ayay ugu suuragashey iney kula wareegaan deegaankaas, kadib markii ay ka eryeen ciidankii halkaas horey ugu sugnaa.

Dagaalka ayaa ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu soo waramayaa in dagaal muda qaatay kadib ay goobta ka carareen ciidamada maamulka Jubbaland ee uu Maraykanka sida gaarka ah u tababaray.

Saanado hub ah oo kala duwan ayaa u gacan galay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha iyo waxyeellada gaartay askarta uu Maraykanku tababaray ee ku sugnaa deegaanka Baar Sanguuni.

Horay deegaankan Baar Sanguuni wuxuu u marti geliyay dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa uu Maraykanka tababaray ee maamulka Jubbaland, waxaana uu hoos yimaada magaalada Kismaayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.