Ciidamada Al-Shabaab Oo Weerar ka fuliyay Nambar Lixdan.

Saqdii dhexe ee xalay ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaaday weerar culus oo ay ku beegsadeen ciidamada Shisheeyaha ee difaacyada ku leh deegaanka Nambar lixdan  ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Daryanka rasaasta iyo madaafiicda ay is weydaarsanayeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Shisheeyaha ayaa laga maqlayay deegaanno ka baxsan halka lagu dagaalamay, maadaama waqtigu ahaa mid degan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa u suuragashey iney ka dagaallamaan afaafka hore ee dfiaacyada ciidamada Shisheeyaha, kuwaas oo u muuqday kuwa lagu kediyay rasaasta Mujaahidiinta.

Marka laga soo tago weerarka ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Nambar lixdan waxay sidoo kale Mujaahidiintu weerareen difaacyada ciidamada Dowladda federaalka ee deegaanka Bariire.

Si guud lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba leh ee ka dhashey dagaalladan ay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen deegaannada Bariire iyo Nambar lixdan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.