Dagaallo Kenyaatiga lagu qaaday Oo ka dhacay Jubbooyinka.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Ciidamada mallatariga Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerarro ku qaaday askarya Kenya ee heysata qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Wararka naga soo gaaraya gobolka ayaa sheegaya in weerar hor leh lagu qaaday saldhigga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanno hoos taga Dhoobleey iyo Afmadoow.

Ciidamada Kenya ee la weeraray ayaa jooga Taabto iyo Qooqaani iyadoo labada weerarba ay ahaayeen kuwa xooggan.

Sida aan xogta ku heleyno weerarada ayaa ku billowday madaafiic culus oo lagu gaaracay xeryaha Kenyaatiga kadibna waxaa xigay rasaas iyo dagaallo muddo socday.

Illaa iyo hadda lama oga inta uu la eg yahay khasaaraha gaaray ciidamada Kenya. Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa isla xalay fiidkii weeraray askarta Jubbaland ee shisheeyaha ku wehlinaya degmada Afmadoow.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xero ku taalla Baarsanguuni oo ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland kuwaasoo wax yar kadib dagaalka goobta isaga firxaday.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.