Diyaaradaha maamulka Yahuudda Oo duqeymo ku garaacay deegaanno kamid ah Jiidda Qazza.

Habeenki xalay, markale waxay diyaaradaha maamulka Yahuudda duqeymo ku garaaceen deegaanno katirsan Jiidda Qazza ee ay ka arimiso Xarakada Xammaas ah oo kamid ah kooxaha wax iska caabinta ee Filastiiniyiinta.

Duqeymaha ayaa lagu soo waramayaa iney bartilmaameedsadeen baro kontorool oo iyo saldhigyo ciidan oo ay deganyihiin dagaalyahannada garabka milliteri ee Xarakada Xammaas oo lagu magacaabo Cizzu-diin Al-Qassaam.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Qazza oo qoraallo soo dhigay baraha Twitterka ayaa sheegaya in duqeymaha xalay dhacay ay ahaayeen kuwa xoogan, islamarkaana ay jiraan dadweyne shacab ah oo ku dhaawacmey, oo aaney jirin dad ku dhintay.

Maamulka Yahuudda ayaa goor sii horeysay wuxuu kooxaha Muqawaamada Filastiiniyiinta ku eedayay iney drones yar yar oo qaraxyo lagu soo xiray ay dhworjeer kusoo weerareen deegaannada xooga lagu deegaameeyay Yahuudda ee kamid ah dhulka Filastiin.

Tan badan ayaa warka maamulka Yahuudda waxay ku tilmaameen mid been abuur ah oo uu ku doonayo inuu marmarsiyo ugu helo duqeymaha soo noq noqday habeennadii ugu dambeysay ee uu ku garaacayo deegaannada Jiidda Qazza ee dhulka Filastiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.