Gudoomiye Ku Xigeenkii Wanlaweyn oo Qarax Lagu Dilay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar qorsheysan ku qaaday gudoomiye kuxigeenka degmada Wanlaweyn ee DF.

Weerarkan oo ka dhacay degmada islamarkaana loo adeegsaday qarax ayaa waxaa u dhintay gudoomiye kuxigeenka Maxamad Cabdullaahi Cumar (Koosto)

Sida ay sheegeen maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, gudoomiye ku xigeenka ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo qarax kasoo gaaray.

Koosto ayaa sidoo kale ku magacawnaa kusimaha gudoomiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Booliska ee degmada ayaa ku fashilmay hawlgallo baaritaan ah oo ay sameeyeen maadaama aysan helin xog ku saabsan ragga weerarkan fuliyay iyo waxa ay ahaayeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.