Howlgallo kala duwan Oo Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Soomaaliya.

Habeenkii xalay, dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weeraro kala duwan ku qaadeen fariisimiyaal ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha ee ku sugan degmooyin katirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa laba goor waxay weerareen isbaarada Mukeyga degmada Afgooye oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo halkaas ku baarta gaadiidka dadweynaha.

Waxay sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha ee degmooyinka Baraawe iyo Qoryooley, halkaas oo ay ka dheceen dagaallo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Weeraradan ka dhacay Shabeellaha Hoose ee lagu beegsaday ciidamada Shisheeyaha waxaa la aaminsanyahay inuu jiro waxyeello kala duwan oo lagu gaarsiiyay Shisheeyaha duulaanka ku jooga wadankeena.

Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiinta waxay weerar ku qaadeen ciidamada Kenyaatiga ee ku sugan deegaanka Qooqaani, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.