Kenyaatiga iyo Askarta maamulka Jubbaland Oo lagu weeraray Jubbooyinka.

Ciidamada KDF ee Kenya.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro saf ballaaran ah waxay ku qaadeen deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Jubbada hoose oo ay ku suganyihiin ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Saldhiga deegaanka Taabto ee ay ku suganyihiin ciidamada  Kenya ayaa xalay la kulmey weerar culus oo ay ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaalka wuxuu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Isla xilligaas waxay ciidamada Mujaahidiinta sidoo kale weerar culus ku qaadeen ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Qooqaani ee Jubbada hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sidoo kale weerareen ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, dagaalka ayaana lagu soo waramayaa inuu ahaa mid xoogan.

Habeennadii tagay goobaha ay Kenyaatiga iyo askarta maamulka Jubbaland kaga suganyihiin Jubbada hoose waxaa kusoo noq noqonayay weerarada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab fulinayaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.