Inkabadan 50 Oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Camaliyaddii Muqdisho.

Faafaahin horudhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey camaliyadii Nafhurnimada ahayd ee maanta lagu beegsaday xero ciidan oo guuto katirsan milliteriga Dowladda federaalka ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Inta haatan la xaqiijiyay waxaa ku dhintay camaliyadda 24 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka, ayna ku jiraan saraakiil katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Marka laga soo tago dhimashada, waxaa weerarka Nafhurnimada ah ku dhaawacmey 32 askari oo ay saraakiil ku jiraan, kana mid ah guutada 27aad ee ciidamada Dowladda federaalka.

Ugu yaraan saddex gaari oo kala ah labo gaashaman oo ay ku rakibnaayeen qoriyaasha lidka diyaaradaha iyo gaari nooca xamuulka ah ayaa ku bas beeley camaliyadda, halka ay waxyeello xoogan gaartay labo gaari oo kale.

Inta badan xerada uu weerarka ka dhacay ayaa burburtay, iyadoona qaraxyada loo adeegsaday camaliyadda lagu tilmaamay iney ahaayeen kuwa aad u xoogan oo jugtooda laga maqlay goobo ka baxsan halka ay ka dhacday.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda camaliyada Nafhurnimada ah ee maanta ka dhacday xera ay degnaayeen ciidamo katirsan guutada 27aad ee ciidamada Dowladda federaalka oo ku taalla degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.