Rag Basaas u ahaa Maraykanka, Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Oo lagu dilay Gedo.

Fagaarayaal ayay dadku isugu yimaadaan marka ay dhacayaan xukunnada Xuduuda ah.

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada islaamiga ee Gedo ayaa xukun xaddu Riddo ah ku fulisay afar ruux oo basaas u ahaa dowladaha Maraykanka, Itoobiya iyo dowladda federaalka.

Ragga xukunka dilka ah lagu fuliyay waxay kala yihiin Diini Cabdi Qaadr Muxamad oo u shaqeynayay CIA-da Maraykanka, .Ciise Cusmaan Geelle oo u shaqeynayay sirdoonka Itoobiya, Aadan Xasan Maxamad iyo Cabdicasiis Xasan Cabdi oo iyagana basaasiin u ahaa Dowladda federaalka.

Dadweyne farabadan oo degan magaalada Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa usoo daawasho tagay fulinta xukunkan xadka ah, waxaana markii uu xukunka dhacay ay dadka ku dhawaaqayeen takbiirta.

Maxkamadaha islaamiga ee ka furan wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya ayaa had iyo goor waxay fuliyaan axkaam sharci ah, taasoo keentay in dhulkaas uu noqdo mid aad uga nabdoon Soomaaliya inteeda kale.

Halkan ka dhagayso War  ku saabsan Jawaasiista lagu dilay Gedo

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.