Sawirro: Jilib oo Si Weyn Looga Ciiday.

Bulshada ku nool degmada Jilib ayaa saaka si wayn isugu soo baxay fagaaraha wayn ee Macallin Aadan Xaashi Ceyroow loogu magac daray, fagaarahaasi oo ku caanbaxay salaadaha ciidda iyo fulinta xuduudaha sharciga ah.

Salaaddii kadib waxa goobta fagaaraha kala hadlay dadwaynaha mas’uuliyiin katirsan  wilaayada Jubbooyinka waxayna ku dheeraaday baraarujinta bulshada, iiyagoo  sheegay in cadawga kusoo duulay wilaayadaasi uu ku jabay dagaalka uu kula jiro dadka muslimiinta ah.

Kumanaan katirsan shacabka magaalada Jilib ayaa maanta si heer sare ah ugu dabaal degay munaabsadda Ciidul adxaa, carruur iyo haween ayaa lagu arkayay waddooyinka magaaladaasi.

Hoos Ka Daawo sawirrada ciidda Magaalada Jilib

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.