Sawirro: Nabadoon Ka Hadlay Xoolo Udxiyo Ah oo Uu Axmad Madoobe Siiyay Kenyanka Heysta Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maalintii koowaad ee Ciiduladxaa xoolo badan ku wareejiyay ciidanka Kenya ee heysta magaalada iyo duleedkeeda.

Xoolaha uu ahaa Ari lagana soo buuxiyay laba gaari oo waaweyn ayaa waxaa gudoomay saraakiisha Kenya kuwaasoo loo sheegay iney yihiin hadiyad ka socota Axmad Madoobe.

Maamulka Jubbaland ma aysan faafin warkan balse waxaa maalintii labaad ee Ciiduladxaa baahiyay kuna faanay Kenyaatiga.

Nabadoon Ismaaciil Haaruun oo ah Afhayeenka golaha ku dhaqanka shareecada islaamka ee Soomaaliyeed ayaa Axmad Madoobe ku eedeeyay inuu xoolahan lasoo garab maray dadka tabaaleysan gaar ahaan kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka Jubbaland uu lasoo baxay dhaqan aan horey loo arag, isagoo dadka muxsiniinta iyo ganacsatada uga digay iney hantidooda u dhiibaan maamulkaas maadaama halkii uu siin lahaa masaakiinta uu ku nafaqeynayo shisheeyaha magaalada qabsaday.

Halkan Ka Degso Wareysiga Nabadoon Ismaaciil Haaruun

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA XOOLAHA LA SIIYAY KENYAATIGA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.