Sawirro: Wilaayada Jubbooyinka oo Xaflad Weyn Usameysay 44 Arday oo Qur’aanka Dhameysay.

Maamulka islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa xaflad weyn u sameeyay 44 arday oo ka qalin jabisay 2 dugsi oo ku yaalla degmada Saakow.

Ardaydan oo barashada Qur’aanka ku dhameystay madrasooyinka Daarulqur’aan iyo Sheekh Cali Suufi islamarkaana isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa waxaa munaasabadooda la gawracay laba neef oo Geel ah.

Xafladda waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin, culimo iyo marti u badan waalidiinta caruurta, bandhig aqooneedyo xiiso badan oo ardaydu soo bandhigtay kadib-na waxaa ardayda la siiyay shahaadooyin.

Dhammaan martidii ka hadashay goobta oo uu ugu horreeyo waaliga Jubbooyinka Sh/Maxamad Abuu Cabdalla waxay ardayda iyo waalidkaba u jeediyeen hadallo bogaadin ah, ugu dambeynna waxay munaasabaddu ku idlaatay jawi aad u wanaagsan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.