Turkiga iyo Greega Oo uu Isku Khilaafsan Nafta laga helay Badda Medeterianka.

Dowladaha Turkiga iyo Greega ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf xoogan oo soo cusboonaaday todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana labada dal ay isku hayaan arimo la xiriira badda medeterianka dhinaceeda bari.

Dhawaan ayay dowladda Turkiga waxay sheegtay iney heshey keydad muhiim ah oo ay ka buuxaan shidaal ceyriin ah, waxaana Ordogan oo arinkaas guul ku tilmaamay uu shaaca ka qaaday iney ka heleen badda Medeterianka.

Dowladaha Greega iyo Qubrus ayaa ku doodaya in Turkiga uu si sharci darro ah uga kalluumeysto, kheyraadna ugala baxo badda medeterianka dhankeeda bari, gaar ahaan xuduud badeedka labadaas wadan.

Todobaadyadii lasoo dhaafay khilaafka dalalka Turkiga iyo Greega ka dhexeeya wuxuu ahaa mid xoogan, madaxda labada dalna waxay is dhaafsanayaan handadaad iyo hanjabaad ku aadan in masaalixdooda gaarka ah ay difaacan doonaan.

Ciidamada badda ee dowladda Turkiga ayaa dhowrjeer waxay qabteen ama ay is hor taag ku sameeyeen maraakiib laga leeyahay wadanka Greega, taasina waxay keentay in midowga Yurub uu ku tilmaamo hab dhaqanka dowladda Turkiga mid aan la qaadan Karin.

Waxaa hadda socda dhoolatusyo milliteri iyo tababaro ciidan oo ay ciidamada Turkidu ka sameyanaa badda Medeterianka, taas oo dabcan u muuqata murug tuujin ka dhan ah dowladaha Greega iyo Qubrus.

Dhinaca dowladda Greega, waxay lafteeda ciidamo badan oo milliteri soo dhoobtay jaziirado kaabiga ku haya wadanka Turkiga, taasina waxay siyaasiyiinta ku tilmaamayaan mid sii hurin karta dagaal ka dhex qarxa labada dal.

Inkastoo dowlad weliba ay sheegeyso inaaney rabin wax dagaal ah, hadana waxay qaadaya labada dhinac tallaabooyin u muuqan kara dagaal toos ah, waxaana la ogeyn halka uu xaalkooda ku dambeyn doono.

Greega ayaa kamid ahaa wadamadii Yurub ee dhulka ballaaran ka heley dhulkii ay ka talin jirtay khilaafadii Cuthmaaniyiinta oo ay burburiyeen reer galbeedka, islamarkaana badankeed kala qeybsadeen, waxaana si guud Greega uu naceyb u hayaa Muslimiinta Turkiga, inkastoo dowladda Ordogan uu hogaamiyo aaney si xaqiiqo ah u matelin shacabka Turkiga, oo ah shacab muslim ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.